RASMI:- Roob Qasaare Dhaliyay oo Gelinkii dambe ee maanta ka da’ay magaalada Hargeysa.

0
104

(RKGS) Roob dabeylo xoog leh wata ayaa ka da’ay gelinkii dambe ee maanta magaalada Hargeysa iyadoo roobkuna uu sababay qasaare kala duwan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in roobka oo socday muddo ka yar saacad uu ahaa mid aan hore loogaga arag magaalada Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaa caawa ah mugdi iyadoo la damiyay matooradii korontada mana jiro wax internet ah sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Hargeysa.

“Roobka waxa uu sababay in ay dumaan guryo badan, qaar ka mid ah taawarada shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dumay lamana oga inay dad ku dhinteen roobka.”ayuu yiri mid ka mid ah dadka degen magaalada Hargeysa oo aan qadka taleefana kula hadalnay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhinteen roobka kadib markii uu ku soo dumay dhismayaal,sidoo kale waxaa dabayshii uu roobku watay ay qaadeen geedo badan oo ku yiil magaalada Hargeysa.

Isbitaalka magaalada ayaa ah caawa meel aad u mashquulsan iyadoo la geeyay dad badan oo qaba dhaawacyo halka dad kalana ay ka baadigoobayeen eheladoodii oo guryaha ku soo laaban waayay.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland ee la xiriira qasaaraha ka dhashay roobabkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here