RASMI: Toddobaadkan Gudihiisa Inkabadan 200 oo ruux oo lagu diley dalka Siiriya.

0
91

(RKGS) Ugu yaraan 224 ruux ayaa lagu diley toddobaadka ugu horeeya ee bisha Ramadan dalka Siiriya iyadoo waxyeelada ugu badan ay sababeen duqeyn ay diyaaradaha Siiriya iyo Ruushka ay geysteen.

Urur saldhigiisu yahay dalka Britain ee kormeera arrimaha dalka Siiriya ayaa sheegay in intii u dhexeysay 6-12kii bishan June  oo ah toddobaadkii ugu horeeyay ee bisha Ramadan ay dad gaaraya 148 ruux oo  rayid ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 50 carruur ah iyo 15 haween ay ku dhinteen bambooyin ay soo rideen diyaarado Helikabtaro ah.

Warbixin uu ururkan soo saaray maanta ayaa intaa ku dartay in duqeyn ay geysteen ururka IS iyo mucaaradka ka soo horjeeda ay ku dhinteen 12 ruux halka qof kalana ay toogasho ku dileen ururka IS.

“Waxaan dib u soo cusbooneysiineynaa eedeymahii aan u soo jeedinaynay beesha caalamka ee ah ka sii aamusnaanta dambiyada laga galayo dadka rayidka ah ee Siiriya,”ayaa lagu sheegay warbixinta uu ururku soo saaray.

Warbixinta ayaa ku soo beegmeysa iyadoo boqolaal rayid ah ay ka cararayaan magaalada Manbij oo ay ku xoogan yihiin ururk IS iyadoo magaaladana ay hareereeyeen Kurdiyiinta uu taageero Maraykanka iyo ciidamo Carbeed.

Colaada ka jirta dalka Siiriya ayaa ka bilaabatay banaanbaxyo nabadeed oo ka dhacay bishii March 2011 iyadoo kadibna uu isku rogay dagaal sokeeye oo ay dhinacyo badan ka qeybgaleen.

Ururka Jamciyada Qurumada ka dhexeysa ayaa aaminsan in dadka ku dhintey colaada ka jirta Siiriya ay tiradoodu kor u dhaafayso 280.000 oo ruux halka kala bar dadkii ku noolaa dalka Siiriya lagu qasabay in ay ka barakacaan guryahooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here