RASMI:- UEFA oo ku hanjabtay inay ciyaaraha EUROCUP ka saari doonto Dalalka England iyo Russia

0
108

Xiriirka Kubada Cagta ee Yurub UEFA ayaa Axadii shalay soo saartay hanjabaad ah inay ciyaaraha EUROCUP ka saari doonto xulalka England iyo Russia kadib rabshadihii Sabtidii ka dhacay magaalada Marseille.

“…Hadii rabshada noocaan ah markale dhacaan, Guddiga UEFA kama waaban doonaan inay qaataan xayiraad la saarayo xulalka England iyo Russia oo ay kamid tahay in laga saari doono tartanka ciyaaraha koobka Yurub…” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UEFA.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhaawacmay rabshado maalmihii lasoo dhaafay magaalada Marseille ku dhexmaray taageerayaasha Ingiriiska iyo Ruushka.

UEFA ayaa hada bilowday baaritaan ka dhan ah Ruushka oo taageerayaashiisa lagu eedeeyey inay bilaabeen rabshadihii ka dhacay Istaadiyumka magaalada Marseille ee Velodrome habeenkii Sabtidii xili ay labada xul ciyaartoodii kusoo dhamaatay 1-1.

Balse waxaa taasi kasii horeysay gacan ka hadal labada garab ku dhexmaray bartamaha magaalada Marseille kahor ciyaartii Sabtidii dhacday.

Dhinaca kale dowlada France ayaa sheegtay inay sare u qaadi doonto ciidamada illaalada ka haya xarumaha ay ciyaaraha ka socdaan iyo waliba goobaha ay ku kulmaan taageerayaasha kala duwan….!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here