Ruushka iyo Shiinaha oo codka qayaxan ku diiday cunaqabataynta Suuriya

0
92

Ruushka iyo Shiinaha ayaa codka qayaxan ku diiday qaraar ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo Suuriya loo cunaqabatayn lahaa eedaymaha loo soo jeediyay ee ku aadan in ay hub kiimiko ah isticmaashay.
Waa markii todobaad ee Ruushku uu codka qayaxan ku hor istaago qaraaro uu soo jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu u badbaadiyo dawladda Suuriya.
Shiinaha ayaa sidoo kale lix jeer qodka qayaxan ku diiday qaraaro uu Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay soo jeediyay oo ka dhan ahaa Suuriya tan iyo markii ay halkaas ka billaabatay colaadda sokeeye sanadkii 2011kii.
Suuriya ayaa aqbashay in ay burburiso hubkeeda kiimikada ah sanadkii 2013kii, heshiiskaas oo ay ka wada xaajoodeen Ruushka iyo Maraykanka.
Maxaa Suuriya lagu eedeeyay?
Dawladda Suuriya ee uu hogaamiyo madaxweyne Bashaar al-Asad ayaa lagu eedeeyay in ay weerarro ay kiimiko u adeegsatay ku qaaday shacabkeeda. eedaymahaas oo ay diiday.
Sikastaba ha ahaatee baaritaan ay samaysay hay’adda Qaarammada Midoobay ula socota hubka kiimikooyinka ah ayaa lagu ogaaday in ciidammada Suuriya ay adeegsadeen hub kiimiko ah saddex jeer sanadkii 2014kii iyo 2015kii.
Warbixintaas ayaa lagu sheegay in ciidammada Suuriya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca in ay chlorine ku rideen goobaha ay jabhaduhu maamulaan labo jeer bishii Maarso ee sanadkii 2015kii mar kalana ay isticmaaleen bishii Abriil ee 2014kii.
In chlorine hub ahaan loo adeegsado ayaa la mamnuucay 1997 axdigii hubka kiimikooyinka ah
Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sidoo kale adeegsatay kiimikooyin halis ah sida ay hay’dda hubka la socota sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here