Ruushku Jabsashada kombiyuutarada ‘wuxuu uga gol leeyahay khalkhal gelinta Yurub’

0
81

Ruushka ayaa qaadaya ol’ole joogto ah oo uu ku jabsanayo kombiyuutarada isaga oo bartilmaameedsanaya dimuqraadiyadda iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah ee Yurub, sida uu ka digayo wasiirka difaaca ee Britain, Sir Michael Fallon.

Ruushka ayaa “hub ahaan u adeegsanaya xog been ah” isaga oo doonaya in uu ballaariyo galaangalkiisa oo uu burburiyo dawladaha reer Galbeedka uuna wiiqo xulafada Nato, ayuuyiri wasiirku.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa noqday mid “istaraatiijiyad kula tartamaya” reer Galbeedka

Sir Michael ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in xubnaha xulafadu ay sare u qaadaan difaaca dhanka kombiyuutarada.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay jaamacadda St Andrews, wuxuuna hadalkaasi ku soo aadayaa xilli ra’iisalwasaaraha dalkaas Theresa May ay isku dayayso in shir aan caadi ahayn oo Malta ka dhacaya ay u adeegsato in xubnaha Midawga Yurub ka dhaadhiciso in ay sare u qaadaan lacagaha ay u adeegsadaan dhanka difaaca.

Sir Michael ayaa sheegay in Nato looga baahan yahay wax ka qabashada beenta uu xaqiiqada ka dhigayo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here