Saddex weerar Cirka ah oo lagu qaaday Saldhigyada Xuutiyiinta Yeman

0
84

Diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysa Sacuudigu horkacyo ayaa waaberigii Saaka Saddex weerar ku qaaday Saldhigyada  Maleesiyaadka Xuutiyiinta ee Magaalada  Dhamar ee dhacda waqooyiga Yeman.

Wakaalada Wararka Iskaashiga Caalamka Islaamka Iina ayaa sheegay in duqeymaha ay Diyaaradahaasi la beegsadeen Saldhigayada  Xuutiyiinta uu ka dhashay Khasaare weli si rasmi ah loo xaqiijin, iyadoo la  maqlayay qaraxyo xooggn iyo qiiq fra badan oo Cirka isku shareeray.

Marka laga reebo kooxaha dagaalmaya iyo ddka kale ee Rayidka ah ka sokow, ilaa Shan 500 oo Carruur yaryar ah, ayaa ku dhintay dagaallada iyo duqaymaha ka socda waddanka Yemen Sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-ka.

Dagaalka u dhexeeya Kooxda Xuutiyiinta iyo dawladda Yemen oo ay taageerayaan Diyaaradaha Isbahaysiga Carbeed ee Sucuudigu hoggaamiyo ayaa weli xal loo helin, walaw ay jireen isku dayo badan oo dagaalka lagu joojinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here