Safiirka cusub ee soomaaliya u fadhiya dalka mareykanka oo ka hadlay dib u soo celinta Soomaalida sharci darrada ku joogo gudaha mareykanka

0
107

Mareykanka (RKGS) safiirka cusub ee soomaaliya u fadhiya dalka mareykanka oo Soomaali badan kula hadlay magaalada columbus ee dalka mareykanka ayaa faah faahin ka bixiyay wararka la xiriira dib u soo celinta Soomaalida sida sharci darada ah u joogta maraykanka waxa uuna xusay in aysan jirin qof Soomaali ah oo ay aqbashay safaaradda Soomaaliya in dib loo celiyo.

Danijiraha ayaa sheegay in dowlada mareykanka ay kala hadli doonaan dib u soo celinta soomaalida sharci darada ku joogta mareykanka.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale soomaalida ku nool gudaha mareykanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan shuruucda adag ee u yaal dalka mareykanka si ay ugu noolaadaan si nabad galyo ah.

“Anaga qof Soomaali ah ma ni raahno hala celiyo waan jeclaan laheyd in la aqbalo, anaga ayaa wax badan isku qoonsanay waa in aan ku sinaanaa sharciga” ayuu yiri danjire Cawad.

Dajiraha ayaa sidoo kale ka hadlay bixinta baasaboorka soomaaliga oo dhawaan safaarada ay ka bilaawday gudaha dalka Mareykanka waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan baasaboorka maadaama uu qeexayo muwaadinimadooda islamarkaan uu ka caawinaayo waxyaabo badan.
Ugu danbeyntii, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa uu xusay in Baasaboorka Soomaaliga dowladda Mareykanka aysan aqoonsaneyn isla markaana codsi u direen si ay u aqoonsadaan ayna meel wanaagsan mareyso howshaas.

Dhawaan ayey aheyd markii dowada mareykanka ay ku dhawaaqday in ay dib u celineyso ajaanibta sida sharci darrada ah ugu nool dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here