Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ammaanay habsami u socodka doorashooyinka Dalka

0
96

Muqdisho-(RKGS)-Safiirka Turkiga u jooga Dalka Soomaaliya, Danjire; Olgan Bekar, ayaa aad usoo dhoweeyay sida habsamida leh ee ay imminka u socdaan howlaha doorashooyinka Dalka.

Olgan Bekar, oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa raaciyay inay ka dowlad ahaan ka qayb qaadanayaan kaalintooda kaga aaddan hirgelinta arriamaha doorashooyinka.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay doorashooyinka haatan ka socda Soomaaliya, kuwo bidhaaminaya mustaqbalka in loo sii gudbo doorasho Qof iyo cod ah, taasoo ah horumar lagu tallaabsaday.

Mr;Bekar, ayaa mar uu ka hadlayay deeqaha kala duwan ee Soomaaliya kaga yimmaadda walaalahooda Turkiga ku sheegay inay tahay wax soo billoowday Siddeetamayeeyadii, isagoo intaa raaciayay inay Dowladdiisu tan iyo waqtigaasi ka war qabtay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, balse ay raadinayeen fursad lagu garab istaagi karo.

Safiirka Soomaaliya u jooga turkiga ayaa gabagabadii ballan qaaday inay sii Laba jibbaari doonaan taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed oo dhan walba ah, wuxuuna Shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan Walaalahooda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here