Saudi Arabia: Eid al-Adha 2016 waxa ay bilaabanaysaa September 12

0
89

Dowlada Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday in Ciid Al-adxa ama Ciida Carafo sida ay Soomaalida u taqaan ay bilaabanay maalin Isniin ah bisha Septemberna ay tahay 12.

Sabtida soo socta ayaa ay tahay maalinta ugu horeysa ee bisha Dul Xijja waxayna iida ay noqonaysaa sida caadiga ah 10ka bisha Dul Xijja taasoo ku beegan 12ka September.

Ciida Al-adxa ayaa ka mid ah ciidaha Islaamka iyadoo sanad walba wadamada Muslimiinta ah maalintaa ay tahay maalin fasax ah oo ciid ah.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa ku raacay xilliga ay boqortoyada Sacudi Carabiya ku tilmaantay inay tahay maalinta ciida Adxaha.Maalinta Ciida Adxa ayaa waxaa ay caan ku tahay xoolo qal iyadoo caalamka oo idil laga qalo maalintaas xoolo u badan ari.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa ku dhowaaqay in sagaal maalmood ay fasax yihiin shaqaalaha dowlada ayna tahay maalmo  ciida loo dabaaldagayo. Turkiga ayaa maalmahaas u yaqaan Qurban Bayram waxaana ay ka bilaabanaysaa 10ka September illaa iyo   September 19.

Sidoo kale dalalka Imaaraadka Carabta,Kuwait iyo Bangladesh ayaa suurtogal ah inay sagaal maalmood ay u tahay maalmo fasax ah oo ciid sida dalka Turkiga oo kale.

Xigasho: Aljazeera

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here