Sawiro:- Ciidanka NISA Oo Caawa Muqdisho Ku Qabtay Gaariyo Waday Hub Iyo Walxaha Qarxa

0
124

Muqdisho (RKGS) Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa Xaafadda Saybiyaano Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho ku Qabtay Gaari ay saaranyihiin Hub iyo Walxaha Qarxa, kaas oo Kooxda Al-shabaab ay dooneysay in ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka C.casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo gaaray Goobta Gaariga lagu qabtay ayaa sheegay in uu arkay Gaariga oo ay saaranyihiin Garneelada Garabka laga Tuuro, Qoriga AK47, Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo in uu dadka waxyeello baahsan gaarsiiyo.

Saraakiisha Hay’adda NISA, ayaa Sheegay in Qabashada Gaariga Hubka iyo Qaraxyadu saaranyihiin ay gacan ka siiyiin dadka deegaano oo wada shaqeyn wanaagsan la sammeeyay hay’adaha Amniga.

Ciidanka Miino Baarista ayaa hadda gacanta ku hayo, si looga fogaado in dadka shacabka ah goobta ka agdhay ay waxyeello uga soo gaarin haddii uu qarax ka dhasho gaariga inta baaristu socoto.

22-640x360

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13570016_908524335939832_1885457868_o.png

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13576542_908519035940362_1910687051_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

13595895_908524405939825_1194686851_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here