SAWIRO:Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Oo Xilka La Wareegay

0
154

Baydhabo(RKG)- Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha gudaha dowladaha, Federaalka iyo Dib u heshiista  Madoobe Nuunow Maxamed iyo Wasiirkii hore ee wasaaradda C/raxmaan Ibrahim Aden Sate ayaa maantay ka dhacday xarunta Wasaaradaha Ee Bay Project Ee Magaalada Baydhabo.

Munaasabada Waxaa ka soo qayb galay Mas’uuiyiin ka socotay wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Maxamed Xasan Fiqi waxayna ahayd xaflad lagu soo ban dhigayay waxqabadyadii saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo Hiigsiga wasaarada ee sanada soosocda.

Wasiirkii Hore ee wasarada arimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose,wuxuu bogaadin iyo ammaan u soo jeediyay shaqaalaaha wasarada oo  ay Mudo wada shaqaynayeen, oo uu sheegay in wadajir iyo isku-duubni ay ku wadashaqaynayayeen.

Madoobe Nuunow Maxamed oo ah  wasiirka Cusub ee xilka lagu wareejiyay , wuxuu  sheegay in loo baahan hayahay in loo shaqeeyo dalka si loo gaaro Horumar cid walbana uu kula shaqayn doono sida uu ku arko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here