Sawirro: Dhalinyaro biyo dhaamin u sameeyay Cisbitaalka Gobolka Baay

0
83

 

Ayadoo magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay uu ka dilaacey cudurka shuban biyoodka ayaa dad fara badan uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, ayadoona cisbitalka ay ka jiraan biyo yari .

Waxaa maanta booyado biyo ah gaarsiiyey ururka hormarinta afka hooyo oo ah dhalanyaro ka damqadey dhibaatada ka jirta cisbitalka.

“waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa dhalinyaradaan oo nooc walba ka kooban isla markaasina muddo bil ka yar la abaabulay oo damiirkooda iyo aqoontooda tustay in ay dadka u gurmadaan.”

 

 

 

 

 

 

 

 

Biyo dhaaminta ka dib waxaa idaacada dowlada koonfur galbeed la hadley cabdi fataax ibraahim xaanshi gaabow oo ah agaasimaha cisbitalka weyn ee gobalka baay wuxuuna u mahadceliyey dhalanyaradani ka damqadey bukaanada ku jira cisbitaalka , isagoona sidoo kalena sheegey in ay “ku dayasha mudanyihiin.”

Biyahaan maanta la gaarsiiyey cisbitalka ayaa waxaa ku soo aadeysaa xili ay ka jirtey cibitalka biyo yaraan aad u ba’an.

Waxaa diyaariyey:

Wariye Axmed Ibrahim Bulle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here