SAWIRRO: Gargaar lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya

0
86

Mogdisho (RKGS) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dekedda Magaalada Muqdisho kula wareegtay Markab sida Shixnad gargaar ah oo ka timid Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Deeqdaan ayaa waxaa loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana ay gaareysa 13 kun oo tan.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo deeqdaan lasoo marsiiyay ayaa waxa ay sheegtay in ay sii waddi doonto u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga deeqdaan ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in deeqdaan loo qeybin doono Shacabka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyadda, isagoona sheegay in ay kusoo aaday xilli loo baahnaa.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here