SAWIRRO: Madaxweyne Xaaf oo furay kal-fadhigii 5-aad Baarlamaanka Galmudug

0
99

Madaxweynaha maamulka Galmudug  Mudane Axmed Ducaalle Xaaf ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada  Barlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada Galmudug in ay dardargeliyaan Shaqooyinka horyaalla.

Waxaa uu sheegay in Galmudug xilligaan ay ka jiraan caqabado waa weyn , sida dagaallo iyo Abaaro.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa laga doonaayo meel marinta Sharciyo dhowr ah Sida:

Ansixinta Tariifada canshuur aruurinta wasaarada Maaliyadda.

. Ansixinta Siyaasadda wasaaradaha.

. Ansixinta Sideed hindise Sharciyeed Iyo shaqooyin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here