“SAWIRRO” Rag Daacish ka tirsanaa oo isa soo dhiibay

0
148

Maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku soo bandhigay Sideed nin oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen kooxda Daacish.

Raggan kooxda Daacish ka soo goostay ee isku soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka mid ahaa raggii ka dagaalamayay Buuraha Galgala.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen raggan markii hore in ay ka tirsanaan jireen Shabaab, balse markii dambe ay ku soo biireen Daacish.

Maamulka Puntland waxa horey isugu soo dhiibay Rag ka tirsanaa Daacish, kuwaasi oo qeyb ka ahaa raggii Ciidamada Puntland kula dagaalamay Buuaraha Galgala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here