Sawirro:-War-Saxaafadeed: Gobollada Waqooyi oo ka qayb qaadanaya doorashooyinka Dalka Soomaaliya

0
88

Muqdisho-(RKGS)-Shir ay Labadii Cisho ee ugu dambeeyay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, Wasiirro,Xildhibaanno,Siyaasiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, ayay ku shaaciyeen ianay ka qayb qaadan doonaan doorashada Dadban ee Dalka ka dhacaysa 30-ka Bishan.

Xubanahan kasoo jeeda Waqooyiga Dalka ayaa sheegay iyagoo tixgelinaya heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Kismaayo lagu gaaray iyo Marxaladda kala guurka ah ee hadda uu Dalku marayo, inay oggolaadeen ka qayb qaadashada doorashada dadban ee Dalka Soomaaliya.

Waxgaradkan ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Guddiga doorashooyinka dadban in ay dadejiyaan doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka ka soo galaya Gobollada ay Matalaan maaddaama uu wakhtigu yahay gabagabo.

dirta-waqooyi sl1 sl2 sl3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here