Sawirro:- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Suudaan

0
114

Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaashi oo booqasho ku jooga Magaalada Khartoum kula  kulmay wasiirka Waxbarashada dalka Suudaan Drs Sumayah Abuu Kashwah.

Kulanka ay wada yeesheen labada dhinac waxaa ka qayb galay Danjiraha Soomaaliya u jooga dalkaas Maxamed C/laahi Ugaas, u qeybsanaha Hidaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. C/qaadir Guulane iyo mas’uuliyiin kale,waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaaliya iyo Suudaan.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay abaal badan u gashay shacabka Soomaaliyeed mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, isagoo ka codsaday in la kor dhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ku caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed.

Drs Sumayah Abuu Kashwah Wasiirka Waxbarashada dalka Suudaan ayaa aad u soo dhawaysay codsiga wasiirka iyadoo sheegtay in ay diyaar u yihiin wax walbo oo ay u baahan yihiin,  isla markaana ay ka  saacidi doonaan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,waxayna amaantay  doorka  muuqda ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan.

IMG_20160905_131620-1 IMG_20160905_131607IMG_20160905_131820 IMG_20160905_131711 IMG_20160905_131658 IMG_20160905_131620-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here