Shaahidkii Shahiiday Cabbdifitaax Cumar Xalane

0
118

Allaha u naxariistee Cabbdifitaax Cumar Xalane Oo Kamid ahaa Dadkii Ku Geeryoday Qaraxii Arbacadii ka Dhacay Aqalka Dowlada Hoose Ee Xamar,

Waxa uu ahaa saxafi waxa uuna agaasime ka soo noqday dhowr idaacadood oo ay ku jiraan Radio GoalFM, Radio Mustaqbal iyo Idaacadda maamulka gobolka Banaadir.

Xalane waxa uu sidoo kale soo noqday agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir iyo  Afhayeenka  maamulka Gobolka, ka hor intii aan loo magacaabin agaasimaha howlaha guud ee gobolka.

bilowgii bishan July ayaa Cabdifitaax Cumar Xalane loo magacaabay agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir.

Xalane oo shahaaddada heerka koowaad  ee maamulka ka haystay jaamacadda SIMAD, ayaa ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee dalka u shaqeynayay, waxa uuna maalmihii dambe u ku howlanaa dardargelinta howlaha nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here