Shacabka kunool gobolka Nugaal oo loo digay

0
90

Gudoomiyaha Gobollka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in degaanada maamulka Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ay kusoo wajahan yihiin roobab Mahiigaan ah oo dabeylo Wata.

Waxaa uu sheegay in maalmaha Isniinta iyo Taalada ay jirto cabsidaasi , islamarkaana ay soo gaareen fariimo kaga yimid kooxaha Saadaasha hawada.

Gudoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan meelaha Xeebaha ah iyo sidoo kale goobaha biyo Fariisinka ah.

Qaar ka mid ah dadka kunool gobolka Nugaal ayaa idaacadda Risaala u sheegay in ay saaka dareemayaan Jawi qabow , islamarkaana ay ka cabsi qabaan in dabeylo ay ku dhuftaan degaanada ay kunool yihiin.

Abaaro ba’an ayaa ka jira degaanada maamulka Puntland , waxaana dadka qaarkood ka dhamaaday xoolihii ay dhaqan jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here