Shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo tababar loo furay

0
80

Nairobi (RKGS) Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta tababar ku saabsan diblomaasiyadda u qabatay kudhawaad 20 qof oo ka mid shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Tababarkan oo socon doona laba toddobaad waxaa ka qeyb galaya Qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh, xoghayeyaasha safaaradda,u qeybsanayaasha wasaaradaha ee ka howl gala safaaradda,shaqaalaha waaxda socdaalka iyo saraakiisha xafiiska safiirka.

Danjire kuxigeenka safaaradda ahna qunsulka 1aad, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ,oo furay tababarkan ayaa sheegay inay wax badan kafaa’iideysan doonaan shaqaalaha sare ee ka howl gala safaaradda.

“Muddo ayaan diyaarinaynay tababarkaan, ujeedkiisuna waa in diblomaasiyiintu kororsadaan casharro kusaabsan shaqadooda, waa markii labaad oo aan sameyno tababa rnoocaan ah, waxaan rajaynayaa in wax badan uu ku kordhiyo howlaha aan dalka u hayno”ayaa uu yiri Maxamed Amiin.

Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah la taliyaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo bixinaya tababarkan ayaa ka faallooday hadafka tababarkani, isagoo ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo awoodda shaqo ee dimlomaasiyiinta safaaradda iyo  ku wacyi gelin ku saabsan arrimaha caalamka iyo gobolkaba, ayadaoo loo fiirinayo danta iyo maslaxadda dalka.

Prof;BUrsaliid ayaa intaa ku daray in tababarkani uu ku baraarujinayo dimlomaasiga kaalintiisa safaaradda dhexdeeda, arrimaha dibadda iyo metelaadda guud ee dalka”.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa tababar noocaan oo kale ah u qabatay diblomaasiyiinta safaaradda sanadkii la soo dhaafay,waxana sidoo kale u qorsheysan inay qabato tababarro kale sida ay sheegeen saraakiisha safaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigilinta maalgashiga Soomaaliya, ayaa sanadihii la  soodhaafay ku howlanayd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo shaqada diblomaasiyiinta ka howl gala safaaradaha iyo howl-gallada dibadda, si loo xoojiyo adeegga loo hayo shacabka Soomaaliyeed loona adkeeyo cilaaqaadka dalka kala dhaxeeya caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here