Shaqaale samafal u dhalatay Faransiiska oo lagu afduubtay dalka Maali

0
86

Wasaaradda Ammaanka ee waddanka Maali ayaa sheegtay in haweeney u shaqeysa Hay’ad Samafal shalay galab laga qafaashay degmadda Gao ee waqooyiga dalkaasi

Ilo Diplomaasi oo Faransiis ah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Reuters inay ka war hayaan Afduubkaasi, balse ay ku hawlan yihiin sidii lagu xaqiijin lahaa Afduubkaasi.

Idaacad Maxalli ah oo ku taalla degmadda Gao ayaa sheegtay inay haweeneydaasi u shaqeynayey Hay’ad Samafal oo taageerta Carruurta la dhibaataysan Nafaqo-xumida iyo Fuuq-baxa.

Idaacadu waxay kaloo sheegtay inay koox rag ah afduubteen Haweeneydaasi, kuna kaxaysteen gaari nooca dusha ka furan ee Toyota Pickup.

Ma cadda Kooxda qafaalatay haweeneydaasi, inkastoo la hadal-hayo inay goobahaasi ku xooggan yihiin Kooxda Islaamiga ee AQIM oo taabacsan Ururka Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here