Shaqo joojin mudo kooban ay sameeyeen shaqaalaha shirkadda Favori oo la xaliyey August 29, 2016 55 0

0
84

Muqdisho (RKGS)-Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in maamulka garoonka uu xaliyey shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha shirkadda Favori ee ka howlgala garoonka.

Taliyaha ayaa sheegay in shaqaalaha shaqo joojinta sameeyeen ay la fariisteen masuuliyiin uu kamid yahay maareeyaha garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho iyo xubno kale, islamarkaana lagu qanciyey in shaqada ay dib u bilaabaan.

Koofi ayaa sheegay in hada shaqadu dib ay u bilaabatay, garoonkana aysan saameyn ku yeelan shaqo joojin saacado kooban dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here