Shir looga hadlaayo Ilaalinta Badda Soomaaliya oo ka socda Jabuuti

0
81

Shir looga hadlaayo ilaalinta baddaha Soomaaliya ayaa ka furmay dalka Jabuuti.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya sida Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socda maamul goboleedyadda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shirkaan ka qeyb galaya ayaa sheegay in diiradda lagu saarayo Shirka ilaalinta Kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan Maraakiib shisheeye oo dhibaato badan ku haayo Biyaha Soomaaliya ,islamarkaana iska qaata kheyraadka Badda Soomaaliya Amar la’aan.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo baxaan qodobo ugu aadan sida ugu wanaagsan ee loo ilaalinkaro badda Soomaaliya.

Waxaa soo qaban qaabisay Shirkaan Hay’adda Ilaalinta Baddaha caalamka.

Badda Soomaaliya ayaa waxii ka dambeeyay xilliyaddii Burburka , waxaa lagu soo shubaayay Wasaq badan,waxaana sidoo kale ka socday Kalluumeysi Sharci daro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here