Shir looga hadlayo Barnaamijka Hormarinta Qorshaha Qaranka oo Baydhabo ka furmay

0
73

Baydhabo (RKG)-Magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo Barnaamijka Hormarinta Qorshaha Qaranka 2017-ka ilaa iyo 2019-ka.

Shirkan magaalada Beydhabo ka furmay ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socota Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya iyo Wasiirada Qorsheynta maamulada dalka ka jira iyo xubno kale.

“Ujeedka shirkan waa in aan talooyin ku helnaa, wixii talo ah wasaaradu diyaar ayey u tahay iney qaadato oo aan ku darsano qorshaheena, si loo helo qorshe qaran oo dhameystiran”ayuu yiri Pro C/laahi Sheekh Cali Qaloocow wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta oo shirka kahadlay.

Shirkaan oo wali socda waxaa loogu talo galay in isla maantaba lasoo gaba gabeeyo, iyadoo dhinacyada ka qeyb galaya la fialyo in ay soo bandhigaan talooyin muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here