Shir looga hadlayo horrumarinta mashaariicda waxbarasho ee dalka oo Muqdisho ka socda

0
70

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo sidii loo horrumarin lahaa mashaariicda waxbarasho ee Midowga Yurub ay siiso Soomaaliya, waxaana goob joog ka ah madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirada waxbarashada, Qorsheynta, xubno ka socda Guddiga shaqaalaha rayidka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya shirkani oo inta uu socdo lagu gorfeyn doono sidii mashaariicdaasi waxbarasho loogu saleyn lahaa baahiyaha Dowladda.

Inta uu socdo shirkaasi waxaa lafilayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah, Guudiga shaqaalaha rayidka ayaa lafilaya in ay shirkaasi  ku soo bandhigaan aragti ku aadan dowrka shaqaalaha Dowladda ay ku yeelan karaan tayo ahaan ka qeybgalka maareynta mashaariicdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here