Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Maanta Furmaya

0
93

Shirka golaha Guud ee Qaramadda Midoobey ayaa Maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in maanta diirada lagu soo saaro qodobo dhowr oo ay ka mid yihiin arimaha qaxootiga oo sameyn weyn ku yeeshay dunida oo dhan.

Kulanka ee Qaramada Midoobey ayaa looga  doodi doonaa sida Qaxootiga Caalamka dib u dajin loogu sameyn karo iyo sidii loo bad baadin lahaa kumanaan qof oo qaxootinimo u dhimanaaya.

Waxaa ay sidoo kale ka hadli doonaan sidii loo taageera lahaa dalalka Qaxootiga adduunka ugu badan ay ka yimaadeen.

Kooxda kor kala socota Xasarada Caalamka ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ay kaalinta 3 aad ka gashay dalalka Qaxootiga adduunka ugu badan ay ka yimaadeen.

Kooxdaasi ayaa sidoo  kale xustay in weerarada joogta ah ee geystaan Ururka Al-Shabaab ay sabab u noqotay in aysan dib ugu soo laaban dalkooda Qaxootiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here