Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maanta furmaya

0
84

Jowhar (RKGS)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu maalinta Sabtiga ah uu ka furmaayo magaalada Jowhar.

Wararka sheegaya in maanta lagu wado xubno ka socda dowladda Soomaaliya in ay gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u furaan wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo sidoo kale Wakiilka urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan shaaciyay in Maalinta Sabtiga ah oo maanta ku beegan uu ku furmaayo shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe maamulka loogu sameynaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here