Shirka Madasha oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo

0
82

Mogadhisho (RKGS) Wararka Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka heleyso halka uu ka soconayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa sheegaya in madaxda Soomaalida ee shiraya ay isku fahmeen dhamaanba qodobadii ay ka wada hadlayeen.

Shirka ayaa qorshuhu uu yahay in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha laisla gartay, iyadoo la filayo in maantaba lasoo gaba gabeeyo.

Qodobada laga wada hadlayo oo dhamaantood ku saleysan arimaha doorashooyinka, ayaa la sheegayaa in madaxdu isla fahmeen, waxaana macquul ah in maanta la shaaciyo waqtiga rasmiga ah ee doorashadu ay dhaceyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here