Shirka Madasha Qaran oo Maanta la filayo in uu Muqdisho ka furmo

0
93

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta la filayaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay waxaana lagu waday in uu shalay Furmo , laakiin dib u dhac ayaa ku yimid oo maanta ayuu furmaaya.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka  ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkan Madasha Wadatashiga oo ah midkii ugu dambeeyay oo ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida.

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa iyo arimo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here