Shirka Madaxda Jaamacada Carabta oo maanta ka furmaya Mauritania

0
98

Nouakchott (RKGS) Shirka Madaxda Wadamada Carabta ayaa maanta ka furmaya Magaalada Nouakchott ee Dalka Mauritania, iyadoo arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin xaaladda Soomaaliya.

Shirka 27aad ee Wadamada Carabta ee ka furmaya Dalkaasi Mauritania ayaa hogaamiyayaasha ka qeybgalaya waxa ay kaga doodayaan 16 qodob oo ay ku jirto horumarinta iyo dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Federaalka Prof Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Warfidyeenada ayaa sheegay waxyaabaha shirka looga hadlayo ay ka mid tahay arrimaha Soomaaliya,Falastiin iyo koonfurta Suudan.

“Shirka arrimaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah horumarinta Ciidanka, qorshuhuna waxa uu yahay in Soomaaliya dhismaha Ciidanka laga caawiyo, bishii Ramadaan ayuu Wasiirka Arrimaha dibadda ee Mauritania soo booqday Muqdisho, isagoo warqad ka qeybgal ah u siday Madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo uu Madaxweynuhu ka aqbalay” ayuu yiri Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here