Shirkii Madasha Wada Tashiga Qaran Oo Maanta Baydhabo Ka Furmey.

0
81

Baydhabo (RKGS) Magaalada Baydhabo Maanta Waxaa Soo Gaarey Wafuud Ay Kala Hogaaminyeen   Madaxda Qaranka Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada aDlka Ka Jira

Ugu Horeyn Waxaa Magaalada Baydhabo Soo Gaarey Madaxweynaha Maamulka Jubaland Ahmed Mohamed Islaam Ahmed Madoobe Iyo Qaar Ka Tirsan Golihiisa Waziirada

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Baydhabo Ku Soo Dhoweeyey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Qaar Ka Tirsan Golaha Waziirada Xildhibaano Iyo Boqolaal Shacab Ah

Waxaana Madaxweyne Ahmed Madoobe Iyo Madaxweyne Shariif Hasan Ay Salaan Sharaf Ka Qaateen Cutubyo  Ka Tirsan Ciidanka Gaarka Ah DKGS

Intaa Ka Dib Waxaa Baydhabo Soo Gaarey Madaxweynaha Jamhuurida Soomaaliya Mudane Hasan Sheekh Maxamuud Waxaa Soo Dhoweeyey Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Jubaland Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Wuxuuna Salaan Sharaf Ka Qaatey Ciidanka Gaarka Ah DKGS Madaxweyne Hasan Sheekh Ayaa Waxaa Uu Salaan La Dhaxqaadey Shacabkii Faraha Badnaa Ee Maanta Baydhabo Ku Soo Dhoweeyey

Waxaana Intaasi Ka Dib Soo Gaarey Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Mohamed Cali Gaas Kaas Oo Baydhabo Ku Soo Dhoweeyey Madaxweynaha Marti Loo Yahay Ee Shariif Hasan Sheekh Aadan

Madaxweynaha Galmudug Abdikariin Huseen Guuleed Iyo Raisul Wazaarada Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Ayaana Iyagana Abaaro 2dii Duhur Nimo Baydhabo Soo Gaarey Waxaana Soo Dhoweeyey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Hasan Sheekh Aadan Iyo Waziiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Waxaana Sidoo Kale Maanta Baydhabo Soo Gaarey Gudoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya

Magaalada Baydhabo Ayaa Caawa Waxaa Ku Hooyanaya Dhamaan Madaxda Qaranka Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Ka Jira

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada:-

64672453-800d-4b37-8d74-6accc6c54feb 7fe66d59-222f-41a6-916d-b55b8273f635 5ede98aa-2d94-4345-b414-0808e21db834

IMG_1380 7a0e7a87-9ad8-4620-8dd1-7f5a9331c82a 7a0e7a87-9ad8-4620-8dd1-7f5a9331c82a

 

IMG_1375 IMG_1376

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here