Shuban Biyood Dad Ku Laayay Gobolka Hiiraan.

0
96

Baladweyne (RKGS) Ugu yaraan 28 qof ayaa u geeriyootay 224 kalana wey la il daran yihiin cudurka Shuban biyoodka oo ka dillaacay magaalada B/weyne ee caasimadda Gobolka Hiiraan.

Afar qof ayaa sidoo kale ugu dhimmatay magaalada Buulo burte ee isla Gobolka Hiiraan, halka 29 kalena ay la liitaan cudurka shuban biyoodka.

Cudurka Shuban biyaadka ee ka dillaacay Qaybo ka mida Gobolka Hiiraan,ayaa la sheegayaa iney wehliyaan xanuunno kale oo uu ka mid yahay Kaduudiyaha.

Xanuunnadan kala duwan ee ku habsaday bulshada halkaasi ku dhaqan,ayaa loo aanaynayaa nadaafad darro ka dhalatay fatahaadihii dhawaan ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Isbitaalka-Beledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here