Soomaali laga siidaayay Xabsiyada dalka Masar

0
99

masar (RKGS) Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa laga sii daayay 120 ruux oo Soomaali, Itoobiya, Sudanes iyo Eretria, isugu jiray, kuwaasi oo doonaayay inay ka tahriibaan dalka Masar, xilligii ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Dadkaan ayaa in muddo ah waxa ay ku xirnaayeen Xabsiyada dalka Masar, balse shalay ayaa suuragashay in la sii daayo.

56 ruux oo ka mid ah dadka la sii daayay waxa ay u dhasheen dalka Soomaaliya, waxaana ay isugu jiran Haween iyo Rag.

Dadkaan ayaa isku diyaarinayaa sidii ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeen, xilli qarashaadka ay ku noqonayaan ay yihiin kuwa jeebkooda ka baxaya.

Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay qabteen, xilli ay isku dayayeen inay ka tahriibaan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here