Soomaali loo magacaabay Wasiirka Socdaalka ee Dalka Kanada

0
90

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn shalay uu ku sameeyay golahiisa Wasiirada waxa uuna Wasiirka socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalkaasi u magacaabay Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah Soomaali heysta dhalashada dalka Canada.

Axmed, ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadkii 2015-kii,waxa uuna markaasi ka soo galay baarlamanka Xaafada York South-Weston ee Magaalada Toronto.

Axmed Xuseen wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here