Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada hadlay xiriirka Labada dal

0
113

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka wada hadlay xiriirka Labada dal, kadib warqad qoraal ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Dowladda Qadar, gaar ahaan Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Warqada Qoraal ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Amiirka dalka Qadar ayaa waxaa ku qornaa arrimo ku saabsan Labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo waxyaabo kale.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Qadar ka codsaday in ay xoojiso taageerada xilligan ay siinayaan Soomaaliya.

Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Dowladda Soomaaliya ku amaanay hormarinada iyo mashaariicda xilligan ka socda Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Sida laga soo xigtay News Agency Qadar, (QNA) safiirka Soomaaliya ee Qadar Omar Sheikh Ali Idris ayaa shalay la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ay kala hadleen sidii Dowladda Qadar ay qeyb weyn uga qaadan laheyd Doorashooyinka Dalka ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here