Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Tartanka Ciyaaraha naafada Aduunka

0
94

RIO-RKGS- Ciyaaryahanka Farxaan Hadafow oo ah 19 jir ayaa noqday qofkii ugu horeyay ee abid calanka Soomaaliya ka soomuujiya fagaraha ciyaaraha Olompic-da Naafada isgoo xiran fanaanadda ay ku xardhantahay astaanta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan inuu yahay qofkii ugu horeyay ee matala Soomaaliya tan iyo markii labilaabay ciyaaraha Olompic-da aduunka.

Faraxaan oo leh rajo wanaagsan oo dhanka ciyaaraha Nafaada ayaa iskudiyaarinaya inuu maanta oo jimco ah uu ku ordo garoonka Marcano ee Magalada RIO ee Dalka Brazil.

Ciyaaraha Olompic-da Naafada ayaa 7-da bishan September ka bilowday Magaalada RIO Brazil, waxaana sanadkan markii ugu horeysey taariikhda ka qayb qaadan doona Dalkeena Soomaaliya.

Dufcadda 23-aad ee ciyaaraha Naafada Olompic-da Adduunka ayaa ka kooban 528 waqcadood oo qaadan doona 11 maalmood, kuwaas oo lagu bixin doono 225 billadood oo Haweenka ah, 265 Ragga ah iyo 38 billadood oo isku dhaf ah.

Waxaana sanadkan Soomaalia ciyaarahan ku metalaya Farhan Hadafoow, oo ah 19 jir ah, iyadoo ay Soomaaliya masraxa kasoo muuqan doonto 9-da bishan, iyadoo uu Farxaan tartami doono 5:30 xilliga Muqdisho.

Talaabada farxaan oo ah mid kor uqaadi karta rajada dadka Naafada ee Soomaaliya oo laga iloobay xuquudii ay kulahaayeen bulshada ayaa taasi waxay ka dhigi kartaa inay soo ceshadaan moraalkoodii islamarkaana ay wax la qaybsadaan bulshada inteeda kale.

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here