Soomaaliya oo lacag loogu deeqay

0
127

Urur Midowga Reer Yurub ayaa Dawladda Soomaaliyeed ugu deeqay Lacag gaaraysa 1 Malyan oo EUR , taasi oo loo soo marsiin doono Hey’adda Lacagta adduunka ee loo yaqaan IMF.

Deeqdaasi lacageed ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dhaqaalaha Dawladda, taasoo qeyb ka qadaan doonto kor u qaadidda iyo xoojinta horumarada ka socda dalka Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub waxa uu taageerayaa sidii loo caadeyay lahaa xiriirka ka dhaxeeya Machadka Maaliyadda Adduunka (IFI) iyo Caawiyaasha Maaliyadeed.

Hey’adda Lacagta Adduunka waxa ay 3 sano ka hor aqoonsatay Dawladda Soomaaliya, iyadoo hore u soo gagabeeysay dib u eegid sanad leh ay ku samaysa jirtay, kaasoo soo socday ilaa iyo 2015-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here