Takhaatiirta Halab oo Gargaar weydiistay Obama

0
116

Takhaatiirta magaalada Halab qeybta Waqooyi oo ay weli mucaaradku haystaan, ayaa dalab  gacan bani’aadanimo ah weydiistay Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama inuu samata bixiyo nolasho rubac  Milyan qof oo ku go’doosan degaankaasi qarkana u saran macluul tii ugu darneyd.

halab (RKGS) Taakhaatiirta weli baaqiga ku ah qeybta Waqooyi ee Magaalada Halab, waxay kaloo Madaxweyne Obama u direen 29 Warqadood codsi, oo ah inuu juhdi badan ku bixiyo sidii xayiraad  xagga dulimaadka Diyaaradaha ah ugu soo rogi lahaa Hawada magaalada Halab oo ay iminka ku dagaalamayaan Ciidamada Dawladda Suuriya iyo mucaaradka, iyadoo duqeynta Cirka ahna dadka magaaladaasi ay dhibaato baahsan  kala kulmeen.

Dagaalka Halab oo ay isugu soo horjeedaan Ciidamada Dawladda Suuriya iyo mucaaradka oo in muddo ahba ka socoday magaaladaas, ayaa waxa uu  sii xoogaystay  maalmihii ugu dambeeyay, iyadoo la sheegay in  kooxaha mucaaradka ay ku guulaysteen inay Ciidamada Bashaar Asad ka gooyaan waddo muhim u aheyd ee marta qeybta galbeed ee Halab.

Masu’ul ka tirsan Dawladda Ruushka ayaa sheegay in maalin kasta muddo Saddex Saac ah, ay dagaalka iyo Duqeynta Ciska ah ka joojinayaan magaalada Halab, si buu yiri” dadka ku rafaadsan loo gaarsiyo kaalmo bani’aadanimo, laakiin qoraal ka soo baxay Qaraamada Midoobay ayaa looga codsaday Ruushka inuu mudadaasi kordhiyo, waqtigaasi Saddexda Saac ahna uusan ku filneyn in gargaar lagu gaarsiyo malaayiin qof, wuxuuna Goluhu ka dalbaday Moskow in ay tixgeliso Dadka macluusha ku haysata Halab.

Warar isna laga soo xigtay shaqaalaha caafimaadka ee Magaalada Halab, ayaa sheegaya in ugu yaraan ay dhinteen 11 qof, tiro intaa ka badanna ay qabaan dhaawacyo kala duwan, kadiib markii weerar Sunta Kiimikada ah lala beegsaday dhinaca mucaaradka ay ka joogaan.

Sunta kiimikada ah, ee lagu weeraray mucaaradka ayaa loo maleynayaa in ay tahay Kiimikada loo yaqaan Kolloriin taasoo laga soo ganay hawada.

Dowladda iyo mucaaradka suuriya ayaa kol hore beeniyay in aysan u isticmaalin dhanka dagaalka wax hub-kiimiko ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here