Taliska booliska oo faah faahiyey xaalada amaan ee Muqdisho

0
117

Muqdisho (RKGS)-Taliyaha Qeybta guud ee booliska G/Banaadir Bishaar Abshir Geeddi, ayaa sheegay in ciidamada booliska gobolka Banaadir ay si dhameystiran ugu diyaar garoobeen sugida amaanka gobolka, xiliga ay dhacayaan doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan bilaha nasoo aadan.

Gaashaanle sare Bishaar Abshir Geedi ayaa tilmaamay in maalmahanba taliska booliska oo kaashanaya maamulka gobolka ay wadeen qorshe ku aadan habka lagu sugi karo amaanka, iyaga oo sida uu tilmaamay si gaar ah u qiimeynayey habka ay u shaqeeyaan ciidamada booliska gobolka ee ka howlgala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

“Waxaan diyaarinay ciidan si gaar ah u xaqiijiya sugida amaanka Muqdisho, xiliyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxaan qiimeyn ku sameynayey ciidamada ka howlgala degmooyinka gobolka, runtii si wanaagsan ayaan u diyaar garownay”ayuu yiri taliyaha.

Bilaha inasoo aadan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka sanada 2016-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here