Taliska ciidanka Boliiska Degmada Qansac dheere oo ka warbixiyey howlgal ay sameeyeen ciidanka

0
88

Taliyaha Saldhiga Degmada Qansac dheere ee gobalka Baay Kuule Salaad Sheekh ayaa ka warbixyey amaanka Degmada Qansac dheere oo howlgalo ay Ciidamada Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen Deegaanada hoos yimaada Degmadaasi, wuxuuna sheegey in howlgalkaasi ay hub ka soo furteen sidoo kalena ay sii wadi doonaan ciidamada koonfur galbeed degaalka ay kula jiraan Maleeshiyada alashabab  wuxuuna sii raaciyey in Deegaano foy ay ciidanka howlgalo ka sameeyeen.

Taliyaha ayaa sheegey in ay amaro ka sugeyaan dowlada koonfur galbeed sidii ay u furi la haayeen wadooyin muhiim u ah maadaama hada Degmada Qansac dheere ay ka jirto abaar aad u daran oo saameyn ku yeelatey dadka iyo duun

Kuule Salaad Sheekh ayaa sidoo kale sheegey in ciidamada ay howlgalo ka soo sameeyeen meel ay u jirta degmada Lixdan ilaa iyo Konton iyo Koow (km) wuxuu sii racsiiyey in ciidanka koonfur galbeed ay guul u soo hooyatey maadaama meelo fog fog ay howlgalo ka soo sameeyeen sidoo kalena ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyada Alashabab ,wuxuuna ugu dambeyntii tilmaamey in howlgalkaasi uu naqon doona mid ay kala wareegi doonaan deegaanada hada Maleeshiyada Alashabab ay ku harasanyihiin

Kuule Salaad Sheekh Taliyaha Saldhiga Degmada Qansac dheere ee gobalka Baay ayaa hadalkiisa ku soo aadeyaa xili ciidamo ku sugan degmadaasi ay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoos yimaada degmadaasi

Weriye Husein Abdulahi Ibrahim (Fantaastik)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here