Taliska Mareykanka ee Africom oo sheegay in ay dileen sarkaal sare oo Alshabaab ah

0
108

Bayaab ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen howlgal si wadajir ah u sameeyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka kaas oo lala beegsaday xarun argagaxisada ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Howlgalka oo dhacay 12 bishan, ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.

“Weerarkan waxaa uu tusaale u yahay howlgalada lagu guuleystay oo aan ka kaashanayno saaxiibadeena Soomaalida kaas laga fuliyay deegaanada argagaxisada ku sugan yihiin,” sidaa waxaa sheegay agaasimaha howlgalada Africom Maj. Gen. William Gayler.

Waxaa uu intaas ku daray in ayaga iyo dowladda federaalka oo iskaashanaya ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale, lagu xusay in shakhsiga la beegsaday uu xiriir toos ah la lahaa ururka Alqaacida oo kooxda Alshabaab ka tirsan tahay. Sidoo kalena ma jirin qof shacab ah oo wax ku noday weerarkan.

Taliska Africom ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan sugidda amniga guud ahaan wadanka ka dib bixitaanka ciidanka AMISOM.

Taageerada dowladda federaalka uu siinayo Mareykanka ayaa ah mid wax tar u leh isla markaana loo marayo hanaan wanaagsan si shacabka Soomaaliyeed loo difaaco, waxaana ku jira howlgalada ka dhanka ah argagaxisada ah, kuwaas oo ay fulinayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, sida bayaanka lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here