Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Ka Warbixiyey Tobabar loo soo Xiray Saraakiil Booliis ah

0
141

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka warbixiyay Munaasabad Tababar-Layli Sarkaal ah oo dalka Ugadha loogu soo Xirayey Askar Ka Tirsan Ciidamo  Booliis  ah, oo ay ku jiraan  Booliiska Soomaaliyeed, kaasoo uga socday  magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka  Yugandha.

Munaasibadda Tababarka ayaa Waxaa ka Qeybgalay  Saraakiil Booliis ah oo Ka kala  Socday Dalalka Soomaaliya, Koofurts Suudaan iyo Saraakiil Ka Tirsan Dalka Yugandha,Iyadoo Munaasibadaasna uu Soo Xiray Madaxweynaha Dalka Yugandha Yuweeri Musafani

Taliyaha ayaa Sheegay In Tababarkan uu ahaa Leyli Sargaal, Kaas oo ay ka Qeyb-qaateen Dhaliyaro Soomaaliyeed oo Ka Mid ahaa Ardaydii Dugsiyada Sare oo ay dowladu ugu Baaqday Bishii May ee 2015-kii in ay ku soo biiraan Ciidamada Booliska, Islamarkaasna la tababarayay Muddo 14 Bil ah.

“Meeshii aan Gaaray oo aheyd Dalka Yugandha Sida aad La Socotaan Waxaa Ka Jiray Munaasibad oo uu Madaxweynaha Dalka Yugaandha  uu Tababar leyli –Sargaal  ah ugu soo Xirayey Saraakiil  Isugu Jirta Yugandha,Soomaaliya iyo K/Suudaan, kaasoo uga socday Magaalada Kambaala ee Xarunta Dalka Yugandha, Arintaas oo Ka Dambeysay Horaantii Bishii May ee Sanadkii Tagay  In Taliska Booliiska uu ugu Baaqay In Ardayda  Soomaaliyeed ay Isku Diiwaan Galinkaraan Ama Ku Biiri Karaan  Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Kuwaasoo Naga Ajiibay, Dhalinyaro Gaareysa Boqolaal  oo Runtii Hadda Ka Mid ah Dhaliyarada Tobabarka Layliga –Sargaal Uga Soconayey Dalka Yugandha” Ayuu Yiri Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed .

General Xaamud Ayaa Sidoo kale Xusay in Intii ay Socotay Munaasibadda Dhalinyarada Soomaaliyeed oo layliga-Sargaal Meeshaas Uga Socday  ayaa Soo Bandhigay  Dhoolatus  Ku Aadan  Waxyaabihii ay Halkaas Ka Barteen oo uu Sheegay inuu Aad Ugu Farxay Dhoolatuska ay Sameeyeen .

Taliyaha oo la weydiiyey Su’aal aheyd Waxyaabaha ay Ugu Duwanyihiin Saraakiisha Tobabarkan loogu soo xiray Dalka Yugandha iyo Waxyaabaha ay Qabandoonaan, Wuxuuna sheegay in Saraakiishan ay Yihiin Saraakiil Aqoon leh Islamarkaasna uu Wadanka U Baahanyahay Wuxuuna u Rajeeyey Iney Noqon Doonaan Kuwii Mustaqbalka Badalilahaa Isaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here