Taliyaha Ciidanka Boliiska somaliya oo maanta tababar u furay saraakiil xigeen

0
98

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa maanta tababar u furay saraakiil xigeen sanadihii la soo u dallacay Darajada Sarkaal ee Xiddigle.

 

Kuwaasoo tababarka ku baran doonaan waajibaadka sarkaalka looga baahanyahay, maadaama ay muddo dheer ku soo jireen hawlaha ciidanka, casharro la xiriira qaabka hoggaaminta,barashada shuruucda dalka, xirfadda baarista dembiyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

 

Saraakiisha tababarka loo furay oo gaaraya 80 Sarkaal oo sanadihii 2015/2016 u dallacay darajada Xiddigle wuxuu Taliyuhu kula dardaarmay saraakiisha inay dhowraan hab dhaqanka Akaadeemiyada Muddada ay tababarka ku jiraan, kuna booriyey inay ka faa’iideystaan fursaddaan qaaliga ah ee loo fidiyey.

 

waxaa goob joog ka ahaa Taliye Xigeenka 2aad S/Guuto Bashïìr Cabdi Maxamed, Taliyaha Hoggaanka Tababarka iyo Qoorshaha,Madaxa Guddiga dib u habeynta iyo tayeynta saraakiisha S/Guuto AXMED Dayib Dhegacaleen iyo Taliyaha Akaadeemiyada Jen. Kaahiye G/Sare. Cabdikariim Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here