Thailand oo 35 Sana ku xukuntay nin dhoofin jiray Muslimiinta kasoo baxsada dalka Purma

0
102

Bankook-(RKGS)-Maxkamad ku taalla Dalka Thailand, ayaa xabsi gaaraya 35 Sano ku xukuntay, Sunand Saengthong oo lagu naanayso Ko Mit Saengthong, markii lagu helay tahriibinta qoomiyadda Muslimiinta ah ee Rohingaha, kuwaasoo ka baxsanaya gummaadka ay ku hayaan dadka Budhistaha xagjirka ah ee reer Purma ama Myanmar.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ammartay inuu Ninkani bixiyo 660,000 baht, oo ah lacagta dalka Thailand,taasoo u dhiganta 19,000 dollar-ka Maraykanka ah.

Mr;Sunand ayaa la xiray bishii January ee sannadkii lasoo dhaafay, markii ay booliska dalkaasi qabteen shan baabuur oo marayay bar Kantarool oo ku taalla degmada Hua Sai ee koofurta Thailand, kuwaasoo ay la socdeen 98 qof oo isugu jira Rag, Haween iyo Carruur kasoo jeeda qoomiyadda Rohingaha.

Guddiga xuquuqul Insaanka ee Qaaradda Aasiya,ayaa sheegay in 40 ka mid ah dadka tahriibayaasha ahaa isla markaana aan qaan-gaarin ay geeriyoodeen, markii uu naqaska ku dhegey.

Dadka Rohingaha oo ah Muslimiin ku nool dalka Burma ama Myanmar,  ayaa waxaa si weyn u ugaarsada dadka aaminsan madhabta Budhistaha ama debka caabuda ee dalkaasi, iyagoo aaminsan iney dadkani asal ahaan ka yimmaaddeen Bangaaladheesh,isla markaana ay waddankooda ku faafinayaan diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here