Tirada Ragii Weeraray Hotelka Ambassador oo la shaaciyay iyo Wasiiro Warbaahinta kula hadlay Dhismaha Hotelka

0
66

Wasiiro katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan ayaa gaaray Dhismaha Hotelka Ambassador , halkaas oo xalay ilaa saakay ay ka dagaalamayeem dagalayahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Xubnaha gaaray Hotelka Ambassador waxaa ku jira Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo taliyaha Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee Gen. C/raxmaan Tuuryare .

Masuuliyiintan ayaa u tagay Hotelka Ambassador sidii ay usoo arki lahaayeen qasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelkaasi shalay gabal dhicii lagu qaaday, waxa ayna masuuliyintan kormeereen qeybo kamid ah Hotelka.

Masuuliyiinyan oo Warbaahinta kula hadlay Dhismaha Hotelka Ambassador ayaa ka warbixiyay sidii uu weerarka u dhacay iyo sida ay Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ugu guuleesteen soo afjarida weerarkan oo saacado badan qaatay, waxa ayna sheegeen Shabaabkii Hotelka weeraray in ay gaarayeen ilaa sadax dagaalyahan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo Warbaahinta kula hadlay Hotelka ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ku guuleesteen in ay soo afjaraan Weerarka ayna toogtaan dhamaan ragii weerarka kusoo qaaday Hotelka, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ku guuleesteen yareenta qasaaraha weerarkaasi.

Wasiirka wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab uu tilmaamay in ay dagaal kula jiritanaka umada Soomaaliyeed ayna markasta qaraxyo la beegsadaan goobaha shacabka.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka oo isna weerarkan ka hadlay ayaa shaaciyay in ragii Weeraray Hotelka ay gaarayeen ilaa sadax nin oo hubeesan dhamaaan ay toogteen ciidamada Nabad Sugida Qaranka oo mudo saacado ah dagala kula jiray.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador waxaa ku dhintay dad ka badan 15-qof ay ku jiraan labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here