Trump oo amray in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico

0
101

Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.

Wuxuu sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynaayo magaalooyiinka Mareykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah “ee aan warqadaha sharciga ah haysan”.

Donald Trump wuxuu sheegay xilli uu wareysi siinayay TV-ga ABC, in Mexico “ay mareykanka ka magdhobeyso boqolkiiba boqol, dhismaha derbigaas”.

Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa inuu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.

Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.

Wuxuu ka hadlay “musiibo” ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Mareykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka, intii ay socotay munaasabadda qeyb ka mid ah ciidamada amniga oo xalay dhacday.

Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda.

“Dal aan xuduud lahayn, dal maaha,” ayuu yiri. “Laga billaabo maanta Mareykanka wuxuu dib u soo ceshanaayaa maamulidda xuduudeeda.”

Donald Trump wuxuu sheegay in xiriirka Mexico uu la wadaago inuu wanaagsanaan doono.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, si uu Trump ugala hadlo dhismaha derbiga iyo danaha dalkiisa.

Horraantii Arbacadii, Mr Trump wuxuu sheegay in dowladda Mexico ay bixineyso dhaqaalaha ku baxaya dhismaha derbiga xuduudda.

“Waxaa jiri doono lacag ay bixinayaan. waxay noqoneysaa arrin cad, dhabcan qaab adag,” ayuu yiri Trump.

Donald Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu shaaciyo xayiraado dhanka socdaalka ah inuu saaro todobo dal oo Afrika ah iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga dhexe.

Dukumiinti amar ah oo ka kooban sideed bog ayaa warbaahinta loo kala diray, kaas oo uu ku qoran yahay xayiraadda dhanka socdaalka ah.

Waxaa ku qoran in madaxweyne Trump uu joojinayo muddo afar bilood ah barnaamijka qaxootiga ee Suuriya, iyo guud ahaan mashaariicda qaxootiga.

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu doonayaa inuu hakiyo fiisaha ama dal ku galka la siiyo muwaadiniinta dalal aan la magacaabin oo lagu sheegay inay amniga Mareykanka halis ku yihiin.

Qareenada arrimaha socdaalka waxay BBC-da u sheegeen inay aaminsan yihiin in dlalkaasi ay ka mid yihiin Suuriya, Ciraaq, Iraan, Liibiya, Sudan, Soomaaliya iyo Yaman.

Aqalka Cad ayaa diiday inuu faafaahin ka bixiyo dukumiintiyada, waxaana suuragal ah in is bedel lagu sameeyo ka hor intaanan la saxiixin.

Donald Trump ayaa u muuqda inuu dib ugu noqonayo ballanqaadkiisii xilligii ololaha ee ah in Muslimiinta uu ka mamnuucayo Mareykanka.

Sharciga waxaa qasab ah inay magaalooyiinka Mareykanka taageeraan si uu u dhaqangalo ayna u caawiyaan laamaha socdaalka ee dalkaas.

Maadaama aysan ahayn xeer rasmi ah, qaabka dhaqan gelinta ayaa suuragal ah in lagu kala duwanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here