Trump oo Jarmalka ku eedeeyay qaabilaadda qaxootiga

0
88

Madaxwaynaha la doortay Maraykanka  Donald Trump ayaa ku eedeeyay madaxda Jarmalka gaar ahaan hogaamiyaha dalkaas Angela Merkel inay samaysay  khalad aad u wayn ka dib markii ay dalkooda u ogolaaden inay soo galaan qaxootiga ka soo cararaya wadamadooda, gaar ahaan kuwa Suuriya.

Trump oo wareysi siiyay wargeysyo ka soo baxa dalalka Britain iyo Jarmalka ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay siyaasadiisa arrimaha dibedda waxuuna sheegay in Mrs Merkel ay tahay hogaamiyaha ugu muhiimsan Qaarada Yurub, balse wuxuu ku dhaliilay inay dalkeeda u fasaxday inay ku soo xaroodaan qaxooti badan oo dhibadan u gaystay qaarada Yurub.

Dhanka kale, Trump ayaa ka hadlay arimo ku saabsan ganacsiga aduunka wuxuua sheegay inuu doonayo sidii uu waxbadan uga bilaabi lahaa heshiisyada ganacsiga Maraykanka uu la leeyahay wadamada caalamka.

Madaxwaynaha la doortay ayaa sidoo kale sheegay inuu heshiis la galidoono wadanka Ruushka kasoo ku saabsan sdii loo yareen lahaa samaynta hubka niyuukleerka, taas badalkeedana uu Maraykanka xanimaada ka qaadi doono xukummada Moscow.

Hogaamiyaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay arinta gaashaanbuurta NATO,waxuuna u soo jeediyay wadamada ku midaysan NATO inay ku bixiyaan dhaqaalo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here