Ummada Islaamka oo Maalintii Labaad u dabaal degaya Munaasabada Ciidul Adxaa

0
139

Guud ahaan Umada Islaamka oo ku kala sugan Dalalka caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa maalintii Labaad si weyn ugu dabaal degaya farxada Ciidul Adxaa.

Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalinkii labaad lagu arkayaa Caruur, Haween iyo dad kaloo aad u fara badan, kuwaas oo laga dareemayo farxada Ciidul Adxaa, inkastoo dadka ay aad uga cabanayaan xirnaanshaha Wadooyinka Magalaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta Magaalada Muqdisho uu ka furmayo shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, taasina ay keentay in Wadooyinka la xiro si amaanka loo adkeeyo.

Qaar ka mid ah Dadka reer Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maalintii Labaad ay udabaal degaan Munaasabada Ciidul Adxaa, iyagoo sidoo kale Alle ka baryay in Ciidan Ciideeda kale Farxad iyo Barwaaqo uu Alle ku gaarsiiyo.

Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ka mid ah maalmaha ay dadka muslimiinta ah ku ciidaan Dunida oo dhan, kaddib gudashada Waajibaadka Diiniga ah ee Xajka oo Axadii ay malaayiin muslimiin ah u taagnaayeen buurta Carrafo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here