US oo ka hadashey doorashada Soomaaliaya

0
93

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ka hadashay arimo la xiriira doorashada Soomaaliya iyo baarlamaanka cusub ee dhawaan la dhaariyay.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kirby ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxaa soo dhaweeyay marka hore in uu furmay kalfadhigii ugu horeeyay ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in wax lagu farxo tahay waqtiga kama danbeysta ah ee loo qabtay doorashada hogaanka sare ee baarlamaanka.

Laakiin dhinac kale dowlada Mareykanka meesha kama aysan saarin walwalka ay ka qabto musuq maasuqa wali ka jira doorashada Soomaaliya, waxaana ay ku baaqday in la ilaaliyo hufnaanta doorashada, loona dhameystiro si cadaalad ah.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa cambaareeyay qaraxyadii 02-dii bishan lagu weeraray Hotel Peace oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-shabaab, waxaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu dambeyntii Maraykanka waxaa uu sheegay in uu joogteynayo taageerada howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, si doorashada Soomaaliya inta ay socoto looga hortago weeraro dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here