Wafdi booqasho ku yimid wasaaradda warfaafinta iyo raadiyaha koonfur galbeed.

0
133

Wafdi uu hor kacaayay wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada dowladda koonfur galbeed soomaaliya mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa maanta booqday xarunta radio koonfur galbeed soomaaliya ee magaalada baydhabo.

Wasiir Ugaas Xasan Cabdi ayaa booqashadan waxaa ku wehlinayay wasiirka warfaafinta dowlad gobaleedka jubaland Cabdinuur Cali Aadan, Agaasimayaasha wasaaradaha warfaafinta koonfur galbeed Ismaaciil Mustaf, jubaland Cabdi Shukri iyo Agaasimaha radio koonfur galbeed Cumar Mustafa Nuur.

U jeedka booqashada ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii wasiirka warfaafinta koonfur galbeed soomaaliya  iyo wafdi uu hogaaminayay booqasho tan lamid ah maanta ay ku tageen Degmooyinka Afmadow iyo Baardheere oo ka tirsan jubaland, halkaasi oo lagu wado in la gaarsiiyo baahinta warbaahineed ee jubaland.

Kadib booqashadooda wasaaradda warfaafinta iyo raadiyaha koonfur galbeed waxaa ay wafdiga u kictimeen Dhanka iyo degmada Xudur ee gobalka Bakool oo lagu wado in la gaarsiiyo baahinta warbaahineed ee radio koonfur galbeed.

Radio koonfur galbeed ayaa lagu wadaa in baahintiisa la gaarsiiyo guud ahaan deegaanada koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Xudur, Baraawe, iyo Marka, iyadoona qorshaha uu yahay in sidoo kale laga furo magaalada Muqdisho.

                                       Halkaan Hoose Ka Daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here